Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro saraakiil katirsan laamaha amaanka dalkaasi, oo muuqaal laga duubay iyaga oo si xun u garaacaya wiil dhalinyaro ah.
Ciidamo iyo saraakiil katirsan laamaha amaanka dalka Zimbabwe ayaa laga duubay muuqaal iyaga oo madaxa si xun uga garaacaya wiil dhalinyaro ah oo gacmaha ka xiran, muuqaalkan ayaana si weyn looga cambaareeyay caalamka.
Qoraal kooban uu Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uu aad uga argagay muuqaalka lagu jir dilayo ninka dhalinyarada ah markii uu daawaday.
Ciidamada amaanka dalka Zimbabwe ayaa lagu eedeeyay in si xun u jirdileen dhibaato xoogana gaarsiiyeen dad ka banaan baxayay sara kaca ku yimid qiimaha shidaalka la iibiyo ee dalkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com