Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo Eedeymo culus u jeedisay Dowlada Kenya (War Saxaafadeed)

Cabdi Cade

Puntland oo amar cusub ku soo rogay heyadaha caalamiga & kuwa Maxaliga ee Gobolka Mudug

Caydiid Ali

Puntland oo sameysatay Manhaj Waxbarasho oo u gaar ah & Deni oo daahfuray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---