Muslimiinta dalka Kenya ayaa caro weyn ka muujiyey go’aan ka soo baxay Maxkamada sare ee Kenya oo ahaa in gabdhaha Muslimiinta ah aan loo oggolaan doonin inay Xijaab ku xirtaan dugsiyadda dadka aan muslimka ahayn.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa Muslimiinta ka codsaday inaysan aqbalin go’aanka Maxkamada sare.
Waxaa uu tilmaamay in xukunkaasi uu meesha ka saarayo xuquuqda gabdhaha Muslimiinta ah ee ku cad dastuurka dalka Kenya.
“Waxaan sii wadi doonaa inay carruurteenna xijaabka ku aadaan dugsiyadda, go’aanka Maxkamada sare ka soo baxayna waa mid sharci daro ah oo la isaga horkeenayo dadka kala diimaha ah dalkan ku wada dhaqan” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.
Waxaa uu sheegay inay tahay Maxkamaddu iney ka fekerto arrimaha muranada doorashooyinka balse ma ahan ayuu yiri arrimaha diinta oo uu xusay inay tahay lama-taabtaan.
Dooda Xijaabka ardayda Muslimiinta ayaa timid, ka dib markii ay Maxkamadda sare ee Kenya Khamiistii hore laashay Xukun ay Maxkamadda rafcaanka ku go’aamisay inay ardayda Muslimiinta xijaab ku tagaan iskuulada.
Arday Muslimiin ayaa laga joojiyey dugsi sare oo ku yaalla magaalladda Isiola ka dib markii ay xirteen xijaabka ay xirtaan Haweenka Muslimiinta ah, waxaana arintaas ka dhashay muran weyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com