Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo eryeysa ajaaniib boqol ka badan & sababaha ka dambeeya

Somaliland ayaa sheegay inay degaanadooda ka eryayaan dhaqaatiir Ajaaniib ah oo si sharci daro ah kaga shaqeysta halkaas,

Guddoomiyaha Ururka xirfadleyaasha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday ayaa warbaahinta u sheegay in muddo bil gudaheed ah ay Somaliland kaga musaafurinayaan dhaqaatiirta sharciga aan u heysan inay ka shaqeeyaan Somaliland iyo kuwa uu ka dhacay.

“Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan ka codsanay in dalka laga saaro dhaqaatiirta sharci darada kaga shaqeeya Somaliland, ugu dambeyna way inoo saxiixeen in Somaliland laga musaafuriyo dhaqaatiirtaan ajaanibta ah ee gaaraya 113, waxaana ay heystaan mudo bil ah in ay Somaliland kaga baxaan” ayuu sheegay gudoomiyaha

Lama sheegin dalalka ay u dhasheen dhaqaatiirtan laga masaafurinayo Somaliland balse dalalka geeska afrika gaar ahaan Somalia ayaa waxaa sanadahan dambe ku soo badanayey dhaqaatiir ajnabi ah oo heerkooda waxbarasho aan la ogeyn kuwaasoo ka howlgala goobo caafimaad, badankoodna waxay ka soo jeedaan dalka ay dagaaladu la dageen ee Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo qado sharaf u sameeyay mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha DF oo xil ka qaadis wajahaya

Caydiid Ali

Tirada Muhaajiriinta doonyaha ku galay UK sannadkan oo la shaaciyey xilli uu tarxiil bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---