Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Hormuud Foundation oo Matoor weyn ugu deeqday Isbitaalka Xaawo Cabdi

Hormuud Foundation ayaa matoor weyn oo dabka dhaliya ugu deeqday Isbitaalka iyo tuulada Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho ka dib markii hore uu duugoobay matoorkii hore cilad ka gashay xili ay tuulada dagan yihiin 450 qoys oo ay iskugu darmatay biyo iyo koronto la’aan.

Maamulaha Hormuud foundation Cabdullaahi Nuur Cusman ayaa matoorkan shirkadu ku deeqday ku wareejiyey Maamulka Isbitaalka Xaawo Cabdi.

Dadka Deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa sheegay inay baahi weyn u qabeen matoor sidaan oo kale ah balse ay awoodi waayeen iney soo iibsadaan, iyagoo u ahad celiyey Shirkadda Hormuud oo matoorkan ugu deeqday.

Mas’uuuliyiinta Hormuud Shirkadda oo ka jawaabeysay dalabka codsiga ah ee uga yimid ayey u suurta gashay inay ku tabarucaan matoorkan si uu ugu shaqeeyo bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa la sheegay inuu bulshada lacag la’aan ku daaweeyo isla markaana ay ka helaan biyo la cabo oo nadiif ah waxaana intaba ka saacidi doona wixii hadda ka dambeeya matoorkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo eedeyn lala yaabay u jeediyey xeer Ilaaliyaha Maraykanka

Caydiid Ali

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay lacag dhan $127 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo lagu cadaadinayo dilka Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---