Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Sawiro hordhac ah: Xaflada caleemo saarka ee goor dhow ka bilaabaneysa Garowe

Munaasabad weyn oo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa goor dhow ka bilaabaneysa Garoowe.

Dadweynaha iyo masuuliyiinta ka qeyb galaysa caleemo saarka ayaa bilaabay iney ku qulqulaan hoolka, iyadoo amaanka si weyn loo xoojiyey, waxaana dhowr meelood lagu baarayaa dadka faraha badan ee lagu casuumay xafladan.

Jawiga goobta ah ayaa ah mid degan, waxaa haatan ku suagn madax fara badan iyo qeybaha bulshada, waxaana la sugayaa Madaxweynaha Somalia iyo xubno kale oo goor dhow gaaraya hoolka xaflada lagu qabaanayo.

Fiiro gaar ah: Goor dhow waxaan toos idinkugu duwi doonaa xaflada insha ALLAH

HOOS KA DAAWO SAWIRRO HORDHAC AH:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dhaqaatiir ajaaniib ah oo laga afduubtay Mandhera, lana dilay ilaaladoodii

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyey Jadwalka 11 kursi (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamo Soomaali iyo Maraykan isugu jira oo xalay Sh/hoose ku dilay wadaad caan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---