Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Garawe

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayay ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe ee caasimada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socday waxaa garoonka Diyaaradaha Garawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Wasiiro, Madax katirsan maamul goboleedyada, saraakiil iyo dadweyne kale oo badan.

Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo gaar ah oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha Garawe, waxa uuna Madaxweynaha gacan qaaday madaxdii iyo dadkii kala duwanaa ee soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madax kale oo ku sugan magaalada Garawe ayaa caawa ka qeyb galaya Munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil Naxdin iyo argagax leh oo ka dhacay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo soo jeedisay qaraar ka dhan ah kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Baaq ka dhan Al Shabaab u dirtay Dhallinyarada Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---