Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Adeegyada Fariimaha ee WhatsApp, Instagram iyo Messenger oo la isku darayo

Shirkada Facebook ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay isku darto adeegyada fariimaha ee WhatsApp, Instagram iyo Messenger, waxaana qorshahan uu yahay mid Facebook dooneyso in macaamiil badan ku hesho.

Qorshahan cusub ee midka looga dhigayo fariimaha la isku dhaafsado sadexda adeeg ee WhatsApp, Instagram iyo Messenger, waxaa si shakhsi ah u soo hindisay aasaasaha ahna milkiilaha shirkadda facebook Mark Zuckerberg.

Hadii uu hirgalo qorshahan cusub uu hindisay Milkiilaha Facebook ayaa qofka isticmaala Facebook waxa uu awood u yeelan karaa in uu fariin u diro qofka isticmaalaya adeega kale ee Whatsapp.

Wargeyska New Yourk Times ayaa qoray in Howsha ku saabsan in la isku wada xiriiriyo saddexdan adeeg durba la sii billaabay,  waxaana la filayaa in isku xirka sadexdan adeeg ay soo idlaato daba yaaqada sannadkan 2019-ka ama billowga sannadka  2020-ka.

Shirkada Facebook oo hada isticmaalaan dad badan oo daafaha Dunida ku nool ayaa dooneysa in ay sii hor mariso adeegyadeeda si ay u hesho macaamiil badan ugana fogaato shirkadaha kale ee tartanka adag kula jira,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Madaxwaynihii ugu sabool sanaa Dunida uguna cadaalad wanaagsanaa wax ka baro ?

admin

Duqa Muqdisho oo sheegay in awood loo adeegsan doono soo celinta Jardiinooyinka

Caydiid Ali

Rooble oo ka qeyb galay gebogebada Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---