Warbaahinta dalka Kenya ayaa aad u hadal heysa hadalo uu ka dhawaajiyay Mike Sonko oo ah gudoomiyaha maamulka Nairobi ee caasimada dalka Kenya , kaa oo sheegay in markiisii hore uu ahaan jiray tuug wax xada oon xishoon.
Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ayuu ku sheegay Gudoomiyaha magaalada Nairobi in uu ahaan jiray tuug dambiile ah, waxa uuna sheegay in uu iska dhaafay tuugnimada uuna daacad u yahay 7 Milyan qof uu hada gudoomiye u yahay.
“Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada” ayuu yiri Soko.
Siyaasigan oo ah nin aan hadalada la ganban ayaa sidoo kale soo tiriyay xabsiyo waa weyn oo lagu xiro burcada iyo dambiilaaasha oo lagu soo xiray intii uu tuuga ahaa, kuwaa ay kamid yihiin xabsiyada Shimo La Tewa iyo Kamithi .
Waxa uu sheegay Mike Sonko in uu aqoon badan u leeyahay uuna fahmi karo tuugada , waxa uuna xusay in aan lagu siri karin uuna fahmi karo warqadaha been abuurka ah sidoo kale uu garan karo kooxaha toogada ah iyo sida ay wax u xadaan.
Gudooniyaha Nairobi ayaa inta uu xilka hayay shaqada ka eryay dad badan oo xatooyo lagu helay, waxa uu sidoo kale isbadal muuqda ka sameeyay magaalada Nairobi oo intii uu xilka hayay waxyaabo badan kusoo kordhiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com