Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa Baarlamanka Jubbaland kuna xirnaa Magaalada kismaayo ayaa ugu dmbeyn sheegay inuu iska casilay xubintii Xildhibaanimo.
Axmed Taajir oo qabtay shir Jaraa’id ayaa sheegay inuu maanta wixii ka dambeeya ka tanaasulay xubintii Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jubbaland.
“Maanta Waxaan iska casilayaa xubintii xildhibaanimo ee aan ku metelayay dadka dega degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ka dib markii aan arkay kala aragti duwanaansho soo noqnoqatay iyo xarigii leygu geystay Kismaayo” ayuu yiri Axmed Taajir
Waxaa hadalkiisa uu ku soo qatimay inuu inuu ka shaqeyn doono wax kasta oo horumarin kara deegaanada Jubbaland.
Kismaayo waxaa maalmahaan ka taagneyd xiisad ka dhalatay xariga Xildhibaan Axmed Taajir, iyadoo maleeshiyaad taageersanaa ay xirteen Xaafado ka mid ah Magaalada.
Guddiga anshaxa baarlamanka Juballand ayaa horey u sheegay iney xilkii xildhibaanimo ka xayuubiyeen Axmed Taajir oo ay ku eedeeyeen inuu faafiyey warqad mooshin been abuur ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com