Allbanaadir.com
NEWS

Dilal xalay & saaka ka kala dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho

Labo nin oo midkood uu ajnabi yahay ayaa xalay iyo saaka siyaabo kala duwan loogu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa saaka degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku toogtay nin la sheegay inuu ahaa Macalin Iskool, xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Dadka degaanka ayaa sheegaya ineysan garan Karin sababta loo dilay macalinka, waxaana baxsaday raggii dilay.

Dhinaca kale, Magaalada Boosaaso ee gobolka bari ayaa waxaa xalay iyana lagu toogtay nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Itoobiya.

Askari ka tirsan ciidanka ilaalada heyad la yiraahdo SPU oo Boosaaso degan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey dilkan.

Ma cadda sababta dilka balse ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa xaafadaha Magaalada Boosaaso ka baadi goobaya askariga dilka geystay oo baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Kulan xasaasi ah oo goordhaw u furmay Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo Xog ku aadan…

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo dhax dhaxaadin u gaaray Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---