Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay ciidamo hubeysan kala degay Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka mid ahaa madax kala duwan oo saaka gaaray magaalada

Garowe ayaa halkaas kala degay markii ugu horeysay ciidamo hubeysan oo ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Ciidamada ilaalada Axmed Madoobe ayaa si weyn u qalabeysan, waxayna sitaan dareys u gaara oo calanka Jubbaland lagu xardhay, waxaana loo diyaariyay gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay.

Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda lagu casuumay ka qeyb galka caleemo saarka madaxweyne Saciid Deni ayey tahay markii ugu horeysay ee uu ciidamo hubeysan la tago Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas ayaa ku caan baxay ilaalo u gaar ah oo uu la tegi jiray magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa magaalada Garowe saaka gaaray ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Somalia, kuwaasoo magaalada Muqdisho laga daad gureeyey.

Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabelle, galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa sidoo kale gaaray magaalada Garoowe saaka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddiga Doorashada oo Meesha ka saaray in la hakinayo Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Ciidamada Ukraine oo xaalad adag wajahaya qeylo dhaana dirsaday

Cabdi Cade

Dowladda Shiinaha oo Fiiso bilaash ah siineysa muwaadiniinta kasoo jeeda lix dal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---