Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhaqtar ajnabi ah oo Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax Gaari

Dhaqtarkii u dhashay dalka Siiriya ee dhowaan Gaari uu la socday qarax loogu xiray ayaa  geeriyooday, kadib dhaawac culus oo ka soo  gaaray qaraxaas.

Dr. Muhanad Ali Ahmed ayaa maqribnimadii 21-ka Janaayo dhaawac culus uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaari uu la socday, isagoo ka howlgeli jiray Isbitaalka Muqdisho City ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ka mid ahaa dhaqaatiir fara badan oo Siiriyaan oo Muqdisho shaqo u yimid, kana howlgala isbitaalada qaarkood isagoo qaabilsanaa xanuunada ku dhaca Cunaha, Sanka iyo Afka.

Masuuliyiinta Isbitaalka Muqdisho City  ayaa sheegay in dhaqtarka uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana uu lug iyo gacan ku waayey qaraxa, waxaana muddooyinkii ugu danbeeyay uu ku jiray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu caawa ku geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo nidaam cusub ku soo kordhisay adeega ay bixiso

Caydiid Ali

Masuul uu Xoghayaha guud ee QM u magacaabay Somalia oo Muqdisho yimid

Caydiid Ali

RW Rooble oo Imaam Max’ed Yuusuf ka raaliyey falkii shalay lagula kacay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---