Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dil aad looga argagaxay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in deegaan kuyaala duleedka magaaladaasi uu ka dhacay dil si weyn dadka deegaanka uga argagaxeen.

Sida aan wararka ku heleyno deegaanka Balcaano oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacay dil loo geestay haweeney kamid aheyd dadka deegaanka, waxaana dilkaasi geestay nin ehel la ahaa haweeneyda la dilay.

Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka ayaa sheegtay in Xakiimo Abuukar Xasan lagu dhax dilay beer ay ku sugneyn, waxaana ninka dilka geestay la sheegay in uu hilbaha gabadha uu dilay jar jaray kadibna juwaan ku riday hilbaheeda.

Dadka deegaanka Balcaano ayaa aad uga argagaxay dilkan naxtinta leh ee ka dhacay deegaankaasi, waxaana ninka dilka geestay iyo gabdha uu dilay oo ehel ahaa la sheegay in uu u dhaxeeyay muran salka ku haya arimo dhaxal.

Ciidamada booliiska Hirshabelle ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Jowhar ku xireen ninka gacan ku dhiiglaha ah, waxaana dilkan ka dhacay duleedka Jowhar uu noqday mid si weyn loo hadal hayo dadkuna kawada naxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalada Eiffel oo lagu wareejinayo Xeyndaab muraayad ka samaysan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo oo war kasoo saaray Baaqii iyo gogoshii Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Wariye katirsan Idaacada Goobjoog oo lagu xiray xarunta CID-da Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---