Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Gadoodsan oo lagu arkayo Xaafado katirsan magaalada Kismaayo 

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta ciidamo gadoodsan lagu arkayo xaafado katirsan magaaladaasi.

Ciidamada gadoodsan ayaa la sheegay in ay ku heyb yihiin Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo dhawaan Xasaanada laga qaaday kadibna xabsi la dhigay.

Sida aan wararka ku helnay Ciidamada gadoodsan ayaa la wareegay xaafado katirsan magaalada Kismaayo, waxaana ciidamada ay fuuleen dabaqyo kuyaala Kismaayo gaar ahaan kuwa ku dhaw xarunta Nabad sugida Kismaayo uu ku xiran yahay Xildhibaanka.

Xiisad ayaana lasoo sheegayaa in magaalada laga dareemayo, waxaana socda dadaalo ay wadaan masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, kuwaa oo isku dayaya in xiisada qaboojiyaan ayna la hadlaan ciidamada gadoodsan.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid ay xiisad iyo kacsanaan ka jirto, kadib markii maamulka Jubbaland xireen Xildhibaan lagu magacaabo Axmed Taajir oo lagu eedeeyay maamul dumis iyo been abuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Kampala iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Xoghayaha Guud ee QM oo cambaareeyey fal ay ku kaceen ciidamada Israel

Caydiid Ali

Muuse Suudi: “Farmaajo wuxuu wadaa heshiis beesha Hawiye aysan qeyb ka aheyn “

Caydiid Ali
Taboola Ads ---