Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsade lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa galabta casar gaabadkii nin ganacsade ah ku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganacsadaha la dilay oo magaciisa lagu sheegay Saddaam Maxamed Daahir ayaa rasaas ku furay dabley bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.

Ragga dilka geystay ayaa sida looga bartay ka baxsaday goobta, ciidamada amaanka ayaana gaaray goobtaas, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan, mana jirto cid sheegatay balse Dillan ayaa noqonaya kii labaad ee manta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saaka ayey aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho howlwadeen ka tirsanaa Wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia, iyadoo galabtana qarax ka dhacay agagaaarka isgoyska Km4 ay ku dhaawacmeen afar qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Maxamed Cumar Saalixi

Caydiid Ali

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Qaraxii askarta badan lagu laayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Tirada Ciidamada AMISOM looga dilay gudaha Soomaaliya oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---