Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare nafeed oo ka dhashay gaari noociisu ahaa Toyota Hilux oo galabta ku qarxay ka soo horjeedka xarunta Bankiga Premier oo ku yaalla isgoyska ay iska galaan wadada Taleex iyo mida Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa sheegay iney isbitaalada gaarsiiyeen afar qof oo dhaawacyo aan sidaa u weyneyn uu ka soo gaaray qaraxaas.
Gaariga qarxay ayaa waxaa qabsaday dab xooggan iyo qiiq goobta qabsaday, waxaana markii dambe demiyey dabkan gaadiidka dab demiska oo halkaas gaaray.
Qaraxan oo u muuqday inuu ahaa mid la doonayey in lagu khaarajiyo qofka watay gaarigaas oo xiligaas aan la socon, wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa masuul aan magaciisa la helin oo ka tirsan dowlada Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com