Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada cusub ee Soomaaliya ay u soo magacaawdeen Somalia dawladaha Indonosia iyo Masar, Soehadjono Sastromihardjo iyo Mohamed Ibrahim Nasar Salem.

Safiirrada cusub ee Indonosia iyo Masar oo maanta madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ka guddoomay aqoonsiyadooda safiirnimo ayuu Ra’isul wasaare Khayre kala hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah iyo is-kaashiga ka dhexeeya wadamadooda iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale qaabilay safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, Carlo Campalina, oo ay ka wada hadleen xariirka iyo danaha isku tolan ee labada dawladood.

Dowlada Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka Somalia ka taageera dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ganacsade lagu dilay Mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dacwado la xiriira afar dambi oo lagu soo oogayo Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Caydiid Ali

Gen. Odawaa iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Mareykanka oo heshiis cusub wada galay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---