Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay labo Danjire (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha Cusub ee dalalka Indonesia iyo Masar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Soehadjono Sastromihardjo iyo Maxamed Ibraahim Nasar.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn warqadahiisa Danjirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dawladda Masar ay usoo magacowday Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Nasar oo Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyey dhambaal salaan ah oo uu ka siday Madaxweynaha Masar.

Danjiraha Cusub ee Dawladda Indonesia ay usoo magacowday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Soehadjono Sastromihardjo ayaa waraaqahiisa Danjiranimmo waxaa ka guddoomay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaggoo Labada Safiirba la yeeshay wada hadalo kala duwan sida uu sheegay Wasiir Dawlaha Arrimaha dibada Soomaaliya oo goob joog ka ahaa munaasabadii Madaxweynaha uu ku qaabilay Danjireyaasha cusub.

Dib usoo kabashada Soomaaliya ayaa sanadihii dambe si weyn looga dheehan karay meelo kala duwan oo ay kamid tahay daneynta dawladaha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo si aad ah isku soo tarayeen safiirada loo soo magacaabayo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka & bahda Allbanaadir Online oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeynaya Ciidul-fitriga

Caydiid Ali

Masuul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Suuriya & Ciraaq oo sheegay In Mareykanku ka laayey dad shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---