Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garawe ayaa aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni oo ku aadanaa in loo kordhiyo waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha Wasiirada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa mudo 30-cisho ah fursad u heestay in uu kusoo magacaabo golihiisa Wasiirada, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbaday in mudo 15 cisho ah loogu daro waqtiga uu Wasiirada kusoo magacaabayo.

Xildhibaanada Maamulka Puntland ayaa cod u qaaday codsiga Madaxweyne Deni , waxaana ogolaaday in mudo 15-cisho ah loogu daro waqtiga magacaabista Wasiirada 45-Xildhibaan , waxaa diiday hal Xildhibaan halka 4-Xildhibaan ka aamuseen.

Madaxweynaha Puntland ayaa laga sugayay in 29-ka bishan kahor kusoo magacaabo golaha Wasiirada maamulkiisa, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa codsaday in waqti dheeraad ah la siiyo si uu usoo xulo wasiiro tayo leh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Facebook oo dhowaan howlgelineysa adeeg cusub oo u gaar ah..

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ugu ambo baxay Dalalka Kenya iyo ….

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka Sannadlaha ee Garsoorka Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---