Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo ka War heysa Lacagaha Ganacsatada siiyaan Al Shabaab

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa shaaciyay in dowlada Soomaaliya la socoto in qaar badan oo kamid ah ganacsatada lacago baad ah siiyaan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay ka war hayaan in Al Shabaab lacago ka qaadaan goob kasta oo ganacsi oo dalka kuyaala, waxa uuna xusay in Ganacsatada cabsi darteed lacagaha u siiyaan Al Shabaab.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in Al Shabaab ganacsatada kaliya aysan lacagaha ka qaadin balse ka qaadaan beelaha Soomaaliyeed ,beeraleyda cid kasta uu sheegay in ay tuhmayaan in dhaqaalo heesato.

“In ganacsatada Somaliyed ay lacag siiyaan Shabaab iyaga oo naftooda ku furanaya waa wax Waadix ah oo cid kasta ogtahay, waxaa la dhihi karaa meel furan oo aanay ka qaadin dalka, waa yar tahay, waad ogtahay beelihii ayeey dhibayaan, dadka qaarkii iyaga oo aan ciidan aheyn ayeey hubkii qaateen oo beelihii xittaa waa ay dhibayaan, dadka carruurtooda yar yar xoog uga qaadanayaan, dhibaato wayn ayeey Shabaab dalkaan ku hayaan xaq dhaqaale, xag Bulshaba.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada Amniga Gudaha looga baahan yahay in ay ogaato dabagalna ku sameyso sida ay Shabaab lacagaha uga qaataan ganacsatada .

Dowlada Soomaaliya ayaa horey uga digtay ganacsatada in ay lacago siiyaan Al Shabaab , hasa ahaatee amarka dowlada ayaa noqday mid aan dhaqan galin, waxaana Al Shabaab la sheegaa in lacago ka qaado ganacsatada Muqdisho iyo kuwa gobolada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo sheegtay in Magaalooyin ka tirsan dalka laga arkay bisha Shawaal

Caydiid Ali

Trump oo hadlay ka dib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen xubnaha Congreska

Caydiid Ali

Sharci saameyn ku yeelanaya Shirkadaha dalka oo Maanta Baarlamaanka la horgeenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---