Waxaa xarunta Hayadda Wabarashada SAFE ee Magaalada Muqdisho lagu qabatey Munaasbad ku aadan Gudoonsiinta Shahaado Sharaf Jaamacada Horn Of Africa, waxaana ka qayb galayey Bahda Waxbarashada, Masuuliyiin ka kala socotey Hayadda SAFE iyo Jaamacada Horn Of Africa iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeyntii intaan Shahaada la Gudoonsiin Jaamacada Horn Of Africa waxaa halkaa ka hadley Keyse Mayow Aw Xuseen oo ah Agaasimaha Fulinta Hayada Waxbarashada SAFE , waxaana uu sheegey in ujeedka ay Shahaadaas u Gudooniiyeen Jaamacadaas ay tahay markii Jaamacada Horn Of Africa ay ka soo dhalaashey Sare u qaadida Tayada Waxbarashada dalka.
“Jaamacada Horn Of Africa waxay Shahaadada ku Gudoonsiiney markii aan Qiimeyn ku sameyney Tayada Waxbarashada iyo Deeqaha Waxbarashada Sannadkii 2017 ay siisey Bulshada Somaaliyeed “ayuu Yiri Keyse oo sheegey in Hayada SAFE ay sidoo kale Shahaadooyin Gudoonsiin doonto Jaamacado kale oo iyana Horumar ka gaarey Waxbarashada
Maxamed Cismaan Abba Shiikh oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Horn Africa una Sharaxan Shahaadada PHD oo isna ka hadley Munaasabadaas ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hayada SAFE oo uu sheegey in dadaal ugu jirto sidii dalka Soomaaliyeed bulshadooda u heli lahaayeen waxbarasho Tayadeedu sareyso waxaauu intaa sii raaciyey “ Shahaadadaan waxay nagu Dhiiragelineysaa inaan sii Laba jibaarno Adeega Waxbarasho ee aan u Hayno Ummada Soomaaliyeed” isagoo halkaas ka balan qaaey in ay sii wadayaan Deeqaha waxbarasho
Dr Cabdirisaaq Maxamed Diiriye oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ka mid ahaa Xubnihii halkaas ka hadley ayaa u Mahadceliyey Hay’adda Waxbarashad SAFE oo uu sheegey in ay qabatey qiimeyn loo baahanaa si Bulshada Soomaaliyeed u ogaadaan Jaamacadaha Tayadooda Waxbarasho ay aad u sareysa
Hayada Waxbarashada SAFE Waa Hay’ada ka shaqeysa waxbarashada Ahliga waxaana Hoosta Taga Dugsiyo Gaaraya ilaa 300 oo Dugsi kuwaasoo ay u Fududeysa Dugsiyadaas Dhinaca Waxbarashada iyo qaadashada Shaadooyinka waxayna ka mid tahay daladaha Waxbarashada ee Mudada Dheer jirey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com