Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dab dhimasho & dhaawac geystay oo baabi’iyey dukaan ku yaalla Garoowe (Daawo Sawirro)

Dab ka dhashay haanta keydisa gaaska cuntada lagu karsado ayaa maanta qabsaday goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Goob joogayaal ku sugan Garoowe ayaa sheegay in haantu qaraxday kadib markii ay haleeshay xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland  oo qof shacab eryanayey.

Qofka la eryanayey wuxuu ku soo cararay oo uu soo galay goobta ganacsiga, askarigii daba joogay ayaana xabad ku soo riday, waxayna rasaastu qabsatay haanta gaaska oo markiiba qaraxday kaasoo sababay in halkaas uu dab ka kaco.

Ugu yaraan hal qof oo rag ahaa ayaa ku dhintay dabkaas halka labo haween ahna ay ku dhaawacmeen kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaalka Garoowe.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska askarigii falka geystay oogoobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna haatan ku xiran yahay saldhiga dhexe ee Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqorka cusub ee Boqortooyada Britain oo si rasmi ah loo calemo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqeyn culus oo lagu garaacay dekadda magaalada Xudeyda.

Cabdi Cade

(Akhriso) Madasha Xisbiyada Qaran: “Farmaajo wuxuu hormuud u noqday qalalaase Siyaasadeed”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---