Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSWORLD NEWS

Soomaaliya oo codsi muhiim ah hor-dhigtay shir Madaxeedka Jaamacada Carabta

Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ka codsatay in laga cafiyo deymaha ay muddada dheer ku leeyihiin.

Shirkan oo ah kii Afaraad ee ay horumarinta dhaqaalaha ka yeeshaan Madaxda Carbeed ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa laysagana kaashan lahaa kobcinta wax soo saarka, la dagaallanka macaluusha iyo gaajada iyo horumarinta Tiknolojiyadda Dalalka Carabta.

Dowladaha Qadar iyo Kuwayd ayaa intii uu Shirkaasi socday waxay Sanduuqa dhaqaalaha Waddamada carbeed ugu yabooheen dhaqaale gaaraya 100 Milyan oo Doollar, si Dhalinyarada Carbeed shaqa abuur loogu sameeyo.

Soomaaliya ayaa intii uu socday Shirka waxay Dowladaha carbeed ka codsatay in laga taageero arrimaha dib u dhiska, lagana cafiyo deymaha muddada dheer ay ku lahaayeen.

Dowladaha Sacuudiga iyo Aljeeriya ayaa shaaciyey iney ka cafiyeen Soomaaliya deymihii ay ku lahaayeen, taasoo albaabka deyn cafinta u furtay dowladaha Carbeed eek a midka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sababtii uu u dhintay wiil isaga oo Hargeysa kubbad ku ciyaaraya oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Musaveni oo qaadaya talaabo cusub ka dib askartii looga laayey Buulo mareer

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---