Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uga baxay balan qaad uu u sameeyay oo aheyd in ay isla dhameesanayaan afarta sano uu xilka hayo.
Sanbaloolshe oo dhawaan looga guuleestay Doorashada Kursiga Xildhibaano uu horey u baneeyay ayaa markan bilaabay in Warbaahinta la hadlo weerar toos ah iyo mid dadbana ku qaado Madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Madaxweynaha.
Cabdulaahi Sanbaloolshe ayaa Wareysii uu siiyay Telefishinka Goobjoog ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo isagu la soo doontay markii loo magacaabayay Taliyaha Nabad sugida, waxa uuna xusay in Madaxweynaha markaasi u balan qaaday in xilkan uu ku nagaan doono.
‘’Madaxweynaha ayaa ii yeeray iina soo bandhigay in Taliye noqdo waana ka afeeftay, waxaan ku iri Soomaali siyaasadeeda ma degana hada Broof ayaan ku dhax jiraa wax dhib ah ma qabo anaa ku dooran kara ee adiga ima dooran kartid ee hadhow sida malayga hadaad biyaha iga saarto ood banaanka i geyso kawaran ayaan iri, waxa uuna igu yiri maya afarta sano waan isla dhameesaneynaa mana dhihi karin warqad ii qor waana iska qaatay balan qaadkii Madaxweynaha , waana dareensanaa in Madaxda Soomaalida in balan qaadka kasoo bixin ” Ayuu yiri Sanbaloolshe.
Waxa uu sheegay Sanbaloolshe markii xilka Taliyaha Nabad sugida laga qaaday in Madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha in gacan ku siiyaan sidii booskiisa usoo ceshan lahaa ama ugu yaraan aysan isaga ka hiilin.
”Kow waxa ay aheyd in ay gacan igu siiyaan meeshii ay iga soo saareen ee kursiga Xildhibaanimo, ma dhicin hadiisa aysan igu celineyn oo gacan igu siineyn waxa ay aheyd in ay amaan igu siiyaan , iyana ma dhicin oo weerarkan ayaa la igu soo qaaday , marka waxa ay u muuqata Madaxweynaha iyo dadka la jooga in dadka ka siibtaan hawada kadibna banaanka ku dhintaan , marka shalay weyn oon ka qabo ma jiro balse ma jecleysan sida liila dhaqmay” Ayuu yiri.
Siyaasiga C/laaji Sanbaloolshe oo labo mar soo noqday Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka dhawaana waayay kursigiisa Xildhibaanimo ayaa u muuqda mid ku biiray Siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com