Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaab oo xalay gudaha Kenya ku weerartay shaqaalaha Shirkad ajnabi ah

Al-Shabaab ayaa weerar ka gaysatay xalay gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, halkaasoo ay ku burburiyeen shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay xalay beegsadeen degaanka Shimbiriley oo 70km Waqooyi kaga beegan Magaalada Gaarisa.

Degaankaan ayaa la sheegay in ay ku sugneyd shirkad laga leeyahay Shiinaha oo halkaasi ka wadday dhismo Waddo laami ah.

Dagaal ayaa dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ee ku sugnaa degaankaasi, waxaana ka dhashay Khasaare, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xoogaga Shabaab ay beegsadeen gaadiid ay laheyd Shirkada Shiinaha laga leeyahay.

Mas’uuliyiinta dalka Kenya weli ma bixinin faahfaahin ku aadan weerarkan oo ku soo beegmay xili maalmo ka hor ay rag ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen magaalada Nairobi weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu galay hotel Dusit, dad badan 20 qof ayaana ku dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Qisadii Mucjisada laheyd & Xukunka iyo Cilimiga u lahaa Nabi Daud (Caleyhi Salaam)

admin

(Sawirro) Dab goor dhow qabsaday xaafad ka tirsan Muqdisho & gurmad soconaya

Caydiid Ali

Maxay tahay Xogta Aadan Madoobe la wadaagay danjiraha Mareykanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---