Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga sheegay in Dowladda Federaalka ay ku guuleysatay iney ururka Shabaab ka saarto Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Gaashaadhinga xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ka hadlayey shirkii golaha wasiirada ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya amniga.
Wasiirka ayaa sheegay in gobolka Shabeellada Dhaxe laga sifeeyay kooxda Alshabaab, haatana la diyaarinayo qorshihii lagaga saari lahaa gobolka Shabeellada Hoose.
Hadalkan ayaa noqday mid dad badan la yaabeen, iyadoo la ogyahay in Xoogaga Al-Shabaab ay gobolka Sh/dhexe ka joogaan degaano badan, ayna sii kordheen mudooyinkan weerarada ay ka geystaan gobolkaas.
Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ku kaliftay wasiirka inuu golaha wasiirada hortooda hadal xaqiiqada ka fog iyo guul mala awaal ah ka sheego.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com