Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo iskaashi cusub ka yeelanaya labo qodob (Sawirro)

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa Farmaajo ku khasbay inuu sheego sir muddo laga kharinayay shacabka?

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay Saraakiisha lagu dilay Weerarkii Hilowle Gaab

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Warbixin siiyay u golaha Wasiirada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---