Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Koofi oo la dardaarmay howlwadeeno ka tirsan Heyadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Daawo Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Mohamed Aadam Koofi ayaa maanta soo xiray tababar labo maalin u socday madaxda waaxyaha Hay’adda.

Waxaa lagu baranayay tababarkan habka Isku jaan goynta Maaliyada iyo baahiyaha Xafiisyada.

Col. Maxamed Aadam Kofi, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa madaxda waaxyaha u sheegay inay muhiim tahay in la isku dheelitiro howlaha xafiisyada ay qabtaan iyo qarashaadka ku baxaaya baahiyaha Xafiisyada.

Sidoo kale, Mr. Koofi ayaa tilmaamay in Agaasin kasta oo madax ka ah waaxyaha Hay’adda looga baahan yahay isku jaan-goynta baahida xafiiskiisa iyo qarashka ku baxaya.

Agaasimaha ayaa tababarka soo xiray, waxaana uu ku amray madaxda maanta tababarka loo soo xiray inay gaarsiiyaan tababarka ay qaateen  saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha, waxyabaha ay barteena ku dabaqaan shaqadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Uhuru Kenyatta oo Maanta Shir Guddoominaya Golaha Ammaanka, Kana Hadlaya…

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo haweeney u magaacabay la taliyaha Difaaca

Caydiid Ali

Wax ka baro Fadliga & Kheyrka bisha Ramadaan iyo cudurada Soonku daweeyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---