Allbanaadir.com
NEWS

Soomaalida kunool magaalada Nairobi oo maanta banaan bax balaaran dhigay

Soomaalida kunool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ayaa manta dhigay banaan bax balaaran ay uga soo horjeedeen weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Dusit ee magaalada Naiarobi.

Banaan baxa ayaa ahaa mid Soomaalida kunool magaalada Nairobi ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin weerarka Al Shabaab ka geesteen Hotelka Dusit oo lagu dilay dad ka badan 20-qof halka tiro intaas ka badana lagu dhaawacay.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin weerarka lala beegdsaday dadkii ku sugnaa Hoelka Dusit, waxa ayna sheegeen in aysan raali ka aheyn weerarkaasi lana qeybsanayaan murugada dadkii a waxyeelada kasoo gaartay.

Soomaalida kunool magaalada Nairobi ayaa cabsi xoogan lasoo daristay iyaga oo ka cabsi qabay in jawaabta ay laamaha amaanka ka bixinayaan weerarkaasi saameyn xun ku yeesho, waxaana inta badan mararka weeraro ka dhacaan Nairobi la dhibaateeyaa dadka Soomaalida ah.

Weerarka Al Shababa ka geesteen magaalada Nairobi waxaa dadka ku dhintay kamid ahaa labo wiil oo Soomaali ah, waxa ayna  kooxdii weerarka geesatay si aan kala sooc laheyn u laayeen dadkii ku sugnaa goobtii ay weerareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Imtixaan adag maraya iyo Liiska Musharaxiinta uu soo saarayo oo…

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowlada

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo ansixiyay hindise Muhiim ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---