Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii manta dil u geestay gudoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Xuseen Hadaafow ayaa lagu weeraray qeybo ka mid ah degmada Hodan, waxaana dhowr xabadood ay ka haleeleen qeybaha sare ee jirka sida ay sheegayaan wararka, iyadoo kooxaha falka geystay ay baxsadeen.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Hodan ayaa xaqiijiyey dilkan waxayna intaas ku dareen in Xuseen loola cararay goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho halkaas uu markii dambe ku geeriyooday.
Dilalka lagu hayo masuuliyiinta degmooyinka, ciidamada iyo dadka kale ee dowlada la shaqeeya ayaa joogto ah Muqdisho, waxaana inta badan masuuliyadooda sheegta Kooxda Al-shabaab oo diidan jiritaanka dowlada iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com