Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Jen. Subagle oo xilka ku wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM

Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta ugu weyn AMISOM ee Muqdisho (Xalane) ayaa waxaa xilka ku kala wareegay Jen. Subagle oo ka soo jeeda Jabuuti iyo Jen. Jim Besigye Owoyesigire oo dalka Uganda u oo u dhashay.

Madaxa Howlgalka AMISOM danjire Francisco Madiera Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadda xil wareejinta, oo jawi wanaagsan ku soo dhamaatay.

Jen. Subagle oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga cun yahay isagoo aan Al-Shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shaqada ay sii wadi doonaan Taliska cusub ee uu xilka ku wareejiyey.

Jen. Jim Besigye Owoyesigire ayaa isna sheegay in Subagle iyo Ciidanka AMISOM ay soo qabteen shaqo adag, hadana uu rajeynayo in shaqada halkeeda uu ka sii wado.

Danjire Francisco Madiera ayaa uga mahad celiyey Jen. Subagle shaqadii uu soo qabtay, isaga oo Taliska cusub ka dalbaday inay laba jibaaraan Howlgalka AMISOM ee xoojinta nabada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii cajiibka ahaa ee la siiyey Nebi Muuse CS?

admin

Dowlada Somalia oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Daacish oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jeneraal Odawaa oo Sabab u noqday in Ciidanka Huwanta ka baxaan Deegaanka Wabxo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---