Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho danjire David Concar, Safiirka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii kulanku socday ayay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo habkii loo xoojin lahaa dhinacyo kala duwan.
Waxa kale oo ay isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida inteeda kale oo ahaa wax labada dal muhiimad u leh, waxaana kulankaas uu ku dhamaaday jawi isfaham leh sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com