Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Kenya oo ka mid noqday raggii weeraray Nairobi

Heyadaha amniga dalka Kenya oo wali wadda baaritaano dheeraad ah ayaa shaaciyay qeybo ka mid ah magacyadda raggii fuliyay weerarka iyo qaabka ay Al-Shabaab ugu biireen, waxaana ku jira wiil uu dhalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Kenya, arintaasoo yaab iyo weji gabax ku noqotay madaxda iyo shacabka Kenya.

Ali Salim Gichunge oo uu dhalay Sarkaal ka tirsan ciidanka Difaaca dowladda ee lagu magacaabo KDF ahaana 27 sano jir ayaa ka mid ahaa raggii fuliyay weerarka, waxaana yaraantiisii lagu xanaaneyn jiray Kaniisad loogu tala galay Carruurta yaryar oo ku taalla dalkaas.

Booliska Kenya ayaa xalay soo xiray Xaaskiisa iyo gabar la dhalatay oo ku noolaa Magaalada Nairobi si wax looga weydiiyo Falkan uu sameeyay, waxaa uu ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday ee gudaha galay markii dambena lagu dilay.

Dowladda Shaacisay Magacyadda Shaqsiyaad kale oo weerarka fuliyay waxaana ka mid ah Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo kasoo jeedda Ngecha ee Limuru iyo Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Xassan Shiikh oo darajadii ciidanimo u soo celiyey Taliye xigeenkii hore ee NISA

Caydiid Ali

Tiicey oo dacwad kusoo oogaya Dowlada Biljamka si uu Magdhaw uga helo

admin

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---