Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu dambeeyey dabkii galabta qabsaday goobo ganacsi oo dhow Zoope

Waxaa ugu dambeyn lagu lagu guuleystay in la demiyo dab ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Soobe iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabku uu markii hore ka bilowday kaalin shidaal oo halkaas ku taalla ka dibna uu ku fiday goobo kale oo ganacsi.

Dabka oo qiiqa ka baxayay laga arkayey degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska maamulka gobolka Banaadir oo dedaal badan ka dib ku guuleystay iney damiyaan.

Guddoomiyaha degmada Hodan C/kariin Dhega-juun oo gaaray goobta, waxaana uu sheegay iney qiimeynayaan khasaaraha uu geystay.

Waxaa uu intaas ku daray in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana uu baabi’iyay in ka badan todobo goobood oo ganacsi balse uusan geysan wax khasaaro nafeed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiintii Waan waanta ka dhax waday Farmaajo & Rooble oo loogu baaqay in Runta sheegaan

Cabdi Cade

Madaxda Maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo la sheegay in si Sharci daro ah ku magacaabay Golaha Addeegga Garsoorka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---