Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Suleyman Soylu oo Muqdisho imaanaya kadib casuumad loo fidiyay

Wasiirka Amiga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arimaha gudaha dowlada Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay arimo muhiim ah ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo hubinta heshiisyadii hore u dhexmaray labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Arimaha gudaha dowlada Turkiga Suleyman Soylu ayaa aqbalay casuumad uu u fidiyay Wasiirka AMniga Soomaaliya oo ku aadan in uu booqasho ku yimaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Suleyman Soylu ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan, waxa uuna sheegay in lasii xoojin doono xiriirka labada dal iyo taageerada Turkiga u fidiyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kufsi gabdho yar-yar loogu geystay Afgooye

Caydiid Ali

Raashin lagu qabtay Dekadda Muqdisho oo la gubay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo la kulmay xubno ka tirsan hay’addaha IMF & World Bank (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---