Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khadka telfoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenaytta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horey uga tacsiyadeeyay Madaxweynaha iyo shacabka Kenya dadkii ku dhintay weerarkii Al Shabaab ka geesteen Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Farmaajo ayaa u sheegay dhigiisa Kenya in aad uga xun yihiin khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi, waxa uuna Madaxweyne Farmaajo u sheegay Uhuru in diyaar u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al Shabaab.

Dagaalamayaal katirsan Al Shabaab ayaa talaadadii weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen magaalada Nairobi gaar ahaan Hoteel nuuca raaxada ah oo lagu magacaabo Dusit.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo 3 bilood dib u dhigtay dhaqangalka go’aan horey uga soo baxay (Sababta)

Caydiid Ali

Madaxweyne muddo labo jeer ah afgembi ku qabsaday xukunka oo geeriyooday

Caydiid Ali

Khasaaraha ka dhashay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho oo sii kordhay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---