Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo ka hadlay sida ay u wada shaqeenayaan Dowlada iyo maamul goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamuud Yuusuf Muuro oo ahaa halgamaa ka tirsanaa ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii gumeystaha.

Intaas kaddib Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sidii loo dardargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. Haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan. Waxaan rajaynayaa sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.”

“Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin dowlanimadan iyo qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.”

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed.

Wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo dhowr bilood hakad ku jira, tan iyo markii bishii September ee sanadkii hore ay Maamul Goboleedyada kaga dhawaaqeen Baydhabo inay xiriirka u jareen dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay faragelin inay ku heyso maamulada qaar iyo in aan la fulin balan-qaadyadii shirarkii horay u dhex maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo tartan cusub ka daahfuray Muqdisho

Caydiid Ali

Booliiska oo ka hadlay Dagaal Dhuusomareeb ku dhax maray Ciidamo kala taabacsan Kulane Jiis iyo…

Cabdi Cade

DEG DEG: Doorashada Xubnaha Hirshabelle ku metelaya Aqalka sare oo bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---