Booliiska dalka Kenya ayaa wada baaritaano xoogan oo lagu sameenayo ragii weerarka ku qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana booliiska iyo baarayaasha kale ee kiiskan gacanta ku haya aqoonsadeen qaar kamid ah ragii weerarka geestay.
Raga weerarka fuliyay qaarkood ayaa wajiyadooda waxaa laga arkay Kaamirooyinka qarsoon markii ay galayeen hotelka Dusit, waxaana hada soo baxa macluumaad dheeraad ah oo ragaasi ku saabsan.
Baarayaasha weerarkan ka dhacay magaalada Nairobi talaadadii ayaa aqoonsaday labo kamid ah ragii weerarka ka dambeeyay, waxaana ragan la aqoonsaday la sheegay in ay yihiin kuwa u dhashay dalka Kenya ..
Labada nin ee la aqoonsaday ayaa la sheegay in dhawaan diinta Islaamka qaateen kuna biireen kooxda Al Shabaab , waxaana mid kamid ah ragaasi magaciisa lagu sheegay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limur, halka kan kalana lagu magacaabo Farauuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee Nairobi.
Booliiska dalka Kenya ayaa sidoo kale baadi goobaya nin kale oo kaamirada Qarsoon laga arkay oo la sheegay in uu la socday raga weerarka fuliyay, waxa uuna ninkan ragan kala qadeeyay saacad kahor meel aan ka fogeyn halka uu weerarku ka dhacay.
Baaritaanka lagu wado weerarka Al Shabaab ku qaadeen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi waxaa ka qeyb qaadanaya quburo reer Galbeed ah, waxa ayna baarayaasha raadinayaan xubno kale oo wax kasoo maleegay weerarkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com