Fanaanada caanka ah ee Rihanna ayaa dacwad ku soo oogtay aabaheed oo la soo taagay maxkamad ku taalla dalka Mareykanka
Rihana ayaa ayaa ku eedeysay aabaheed inuu si xun u isticmaalay magaceeda. si uu horumar ugu sameeyo ganacsigiisa dhanka majaajilada ah.
Waxay ku doodday in aabaheed Ronald Fenty iyo dad ay ganacsiga isla wadaagaan ay ka been abuureen xiriirka u dhaxeeya iyada iyo ganacsigooda.
Waxay dacwad oogayaashu sheegeen in ay dadweeynaha marin habaabiyeen, sidoo kalena ay dhaawac u geysteen shirkadda Rihanna ee soo saarta allaabta ay isku qurxiyaan dumarka.
Waxaa dacwadda la gudbiyay lagu sheegay in shirkadan majaajilada ee Fenty Entertainment ay heshiisyo la gashay 15 barnaamij oo la doonayay in Rihanna ay ka qeyb gasho xafladahooda, waxayna dadkaasi ka qaateen lacag gaareysa 15Vmilyan oo doolar, iyagoo aan wax fasax ah ka haysanin Rihanna
Shirkadda majaajilada ee Fenty Entertainment oo laga codsaday inay arrintan ka jawaabaan ayaan wali ka hadlin, waxaana dacwadan si weyn u hadal haya warbaahinta caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com