Warbaahinta dalka Zaambia qaarkood ayaa baahiyay dhacdo ay aad ula yaabeen dadka kunool dalkaasi, kadib markii koox burcad ah ay faagteen qabuuro lana baxeyn meyd ku aasnaa .
Wargeyska Times of Zambia ayaa qoray koox burcad aan la aqoonsan in ay faagteen qabuuro uu ku aasnaa ruux kamid ah dadka loo yaqaan Albino ee midabkoodu cad yahay, waxa ayna la baxeen meydka iyo naxashkii uu ku jiray ruuxaasi.
Ehelada meydka qabriga lagala baxay ayaa ogaaday in uu maqan yahay meydka ruuxa ehelkooda ahaa, waxa ayna ku wargaliyeen booliiska oo baaritaan kadib ogaaday in meydka iyo naxashkii uu ku jiray lala baxay.
Dadka aaminsan quraafaadka ayaa qaba in xubnaha qaar oo dadka Albino ah ay dawo u yihiin cuduro halis ah, waxaa sidoo kale xubnaha dadkaasi loo isticmaalaa arrimo la xiriira sixirka.
Qaar kamid ah Wadamada Afrika sida dalka Tanzaaniya ayaa si weyn dadkaasi loogu ugaarsadaa, waxaana jira qaar kamid ah dadka Albino inta la dilay jirkooda qeybo kamid ah la qaatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com