Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & heyadaha UN-ka ee Puntland? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay saraakiisha laamaha QM qeybtooda ka hawlgasha Puntland, kuwaasoo kala ah UNSOM, UNICEF, UNDP, UN-HABITAT, UN-OCHA, UNDSS, FAO iyo WFP.

Kulanka uu Madaxweynaha dowlada Puntland la qaatay saraakiishaasi ka socday laamaha UN-ka Puntland ayaa waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana uu ka warbixiyey arrimaha muhiim ka ah ee lagaga hadlay kulanka.

“Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Hay’addaha UN-ka qaybaha Puntland ka degan, ula jeedada uu Madaxweynuhu ula kulmayna waxay ahayd inuu xog ogaal u ahaado shaqooyinka ay Puntland ka hayaan, waxa uu ka xog-waraystay waxqabadkoodii hore iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin inay fuliyaan mudooyinka soo socda” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maandooriye tiro badan oo lagu soo qabtay howgal ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

AMISOM oo ka guuraysa Mid ka mid ah Xarumooda ugu waaweyn Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Afar kamid ah maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir oo Qoraal wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade