Allbanaadir.com
NEWS

Taliye katirsan Ciidanka maamulka Somaliland oo gaari lagu dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gaari la jiirsiiyay taliyihii ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer  Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.

Sida aan Wararka ku helnay Taliyaha ayaa xili howshiisa shaqo ku jiray waxaa la marsiiyay gaari si xowli ah u socday, waxaana taliyaha oo dhaawac culus soo gaaray ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka.

Ciidamada booliiska magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay ninkii waday gaariga taliyaha lagu dilay, waxaana la baarayaa dilkan in uu ahaa mid ku tala gal ah iyo in uu yahay mid si kam ah u dhacay.

Magaaada Burco ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka taliyaha ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka  oo ku aadan dhimashada sargaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir sheegay in Muqdisho yaalaan Isbaarooyin Gaadiidka Lacago looga qaado

Cabdi Cade

Maamulka Puntland oo fariin adag usoo diray dowlada federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Warbixin siiyay labo Ra’isul Wasaare hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---