Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya caleemo saarkaa madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya oo maanta ka dhacaaya halkaasi, waxayna dowladda Somalia diyaarado daad gureeya ugu deeqday xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa caleemo saarka oo tan iyo shalay ku qulqulayey halkaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa awooddooda isugu geeyay inuu doorashada K/Galbeed ku soo baxo musharaxii ay wateen ee C/cassiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), waxaana caleemo saarkiisa maanta isugu tegay madaxda Baarlamaanka, madaxweynaha iyo xildhibaannada labada gole.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo ciidamo fara badan oo kale ayaa sugaya amniga magaalada Baydhaba oo si weyn loo adkeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Baarlamanka Somalia faray Qodob muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Gantaalo lagu weeraray Magaalada Riyadh & khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceeyay Heshiiska ay galeen Itoobiya iyo Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---