Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerarka lagu qaaday Nairobi (Akhriso)

War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarka lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada” ayaa lagu yiri qoraalka

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka ay soo saartay dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxaya

Caydiid Ali

Afgembigii ka socday Bolivia oo fashilmay & Jen. Juan José oo la xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo sheegay waxyaabaha raga uga Wanaagsan yihiin Haweenka Soomaaliyeed

Cabdi Cade