Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo shaacisay in lasoo afjaray Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit 

Dowlada Kenya ayaa goordhaw shaaca ka qaaday in lasoo afjaray weerarkii xooganaa ee galabta dagaalyahano katirsan Kooxda Al Shabaab ku qaadeen Hoteel nuuca raaxada ah oo kuyaala xaafada Westland ee magaalada Nairobi.

Wasiirka amiga dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa goordhaw sheegay in ciidamada amaanka la wareegeen hotelka Dusit oo ay saacadao badan ka dhax dagaalamayeen dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga Kenya in hada xaaladu caadi tahay lana soo afjaray howlgalkii ka socday Hotelka Dusit, waxa uuna bulshada Kenya ugu baaqay in ay is dajiyaan howlahoodana caadi u wataan .

Wasiirka ma sheegin nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen ragii hubeesnaa ee weerarka ku galay dhismaha Hotelka, waxa uuna cadeeyay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida weerarku u dhacay.

Weerarka dagaalyahano katirsan Al Shabaab galabta ku galeen dhismaha Hoteel nuuca raaxada ah oo kuyaala magaalada Nairobi ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walina si rasmi ah looma shaacinta inta khasaaruhu la egyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo Khilaafka u dhaxeeya Guddiga Doorashada ….

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay khasaaraha roobabkii Muqdisho & Warar kale oo xiiso badan

Caydiid Ali

Madaxweyne Al Sisi oo mar kale farriin cusub oo Hanjabaad ah u diray Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---