Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo loo diyaariyay in ay la dagaalamaan Al Shabaab oo Dhoolo tus sameeyay (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo loo diyaariyay in ay la dagaalamaan Al Shabaab ayaa maanta dhoolo tus ciidan waxa ay kusoo bandhigeen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Jaziira.

Dhoolo tuska ciidankan sameenayeen waxaa ka qeyb galay oo daawanayay Taliyaasha ciidanka Milatariga, Booliiska,  Asluubta, Abaanuulaha ciidanka milatariga, iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka kala duwan ee dowlada.

Ciidamadan maanta dhoolo tuska kusoo bandhigay duleedka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay soo qaateen tababaro loogu carbinayay sidii ay ula dagaalami lahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliyaasha ciidanka ee daawanayay dhoolo tuska ay soo bandhigeen ciidanka Milatariga ayaa sheegay in ay aad ula dhaceen, waxaana ciidankan cusub la sheegay in ay isku diyaarinayaan dagaal ay la galaan Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in uu aad ula dhacay dhoola tuska ay sameeyeen ciidankan, waxa uuna kula dar daarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma dhab baa inuu xiriir ka dhexeeyo Kansarka naasaha iyo dawooyinka la isku qurxiyo?

Caydiid Ali

Milatariga dalka Sudan oo war kasoo saaray Dagaalka ka socda Khartuum iyo guulaha ay…

Cabdi Cade

FIFA oo aqoonsi caalami ah siisay garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---