Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaaday Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Dhismo kuyaala Nairobi

Waxaa wali magaalada Nairobi gaar ahaan  xaafadda Westlands ee bartamaha magaalada Nairobi laga maqlayaa rasaas xoogan ay is dhaafsanayaan kooxo hubeesan oo weerar ku qaaday Dhismo Hotel iyo ciidamada Amaanka Kenya.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday dhismaha kuyaala magaalada Nairobi, waxa ayna Shabaab sheegeen in uu jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarka Nairobi ka fuliyeen.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa wada dadaalo ay kusoo bad baadinayaan dad ku go’doonsan dhismaha la weeraray iyo dad kale oo iyana ku xayiran xaafado ku dhaw dhaw dhismaha Al Shabaab weerareen.

Dad badan oo dhaawcayo kala duwan qaba ayaa laga soo qaadayaa halka la weeraray, waxaana ciidamada booliiska gabi ahana xireen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa dhismaha la weeraray.

Halkan ka Daawo Sawirro laga soo qaaday dhismaha la weeraray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-bax ka dhan ah Farmaajo oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Daaru Nashaad Online oo Ogeysiis muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Biixi Oo Daah-furay Wejiga 2-aad Ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Ee SDF (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---