Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal la isku adeegsanayo taangiyo iyo hub culus oo ka socda Magaalada Cadan (Daawo Sawirro)

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo daacad u ah Madaxawynaha Yaman iyo kooxda gooni u goosadka koonfurta ayaa ka socda Magaaladda Cadan.

Labada dhinac ayaa waxay isu adeegsadeen Taangiyo iyo hubka culus oo lagu duqeeyey qeybo ka mid ah Magaalada.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa horrey u sheegtay in goobtaasi ay xasiloonida dib ugu soo laabatay waxayna shacabka ugu baqeen in ay howlahooda caadiga ah ay iska sii wataan.

Maalintii Axadda kooxdan gooni u gosadka oo doonaysa madaxbanaani ay helaan dadka Koonfurta Yaman ayaa waxay la wareegeen dhismooyiin ay dowladda leedahay.

Rai’sul wasaaraha Yaman ayaa ku tilmaamay arrintan isku day afgembi, iyadoo Dagaalka ay ilaa iyo imika ay ku dhinteen 21 qof.

Dowladda Yaman ayaa tan iyo 2015 waxaa saldhig u ahayd magaaladda Cadan, ka dib markii madaxwayne Abdrabbuh Mansour Hadi iyo golihiisa wasiirada ay ka soo saareen magaalada Sanca kooxda Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Sudeis oo ka cararay Sacuudiga, una guuray dalka..

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo beeniyay eedeymo culus oo kaga yimid Xamaas

Caydiid Ali

Shir Sadex Geesood ah oo u socda Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---