Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay Taliska Milatariga dalka Qatar oo uu horkacayey Jen. Max’uud Al Qasaali.
Kulanka ayaa looga hadlay Xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka Socotay Dalka Qatar uu ahaa Mid looga Hadlayay Sidii wada shaqeyn iyo Iskaashi Xariir u dhax Mari lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dalka Qatar.
Jen. Maxamuud Al-Qasaali ayaa isna sheegay in Qatar ay Soomaaliya ka caawineyso dhismaha iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida ay Soomaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com